4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Wasiirka howlaha guud ee Somaliland u jawabay xogeeyaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Wasiirka howlaha guud ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa xogeeyaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani ku eedeyay in uu u dhaqmayo sidii madax dhaqmeedka, kadib markii xogeeyuhu uu isku shaandhayntii madaxweynaha ku tilmamay in ay Somaliland ka dhigtay qoys.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siinayay Saab TV, ayaa sheegay in hadalkaasi aanu ahayn hadal xisbi ee u ahaa hadal ka madax dhaqameedka oo kale, wuxuuna usoo jeediyay xogeeyaha in uu ku biiro madax dhaqameedka ama uu sidii madax xisbi u hadlo.

"Xisbiyada mucaaradka waxan arkayay nin hadlaya, markaa xisbigu waa in uu noqdaa xisbi qaran ama xisbi qabyaaladeed, wuxu ku hadlayay afqabyaaladeed ayay ahayd, nin kuna ama waa in uu xisbi noqdo ama qabiil, marka ragaa afka qabyaalada ku hadlayay waxan kula talin laha intay xisbiyada iskaga baxaan in ay noqdaan cuqaal" ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay, in anay macno badan samaynayn deegaanka uu wasiirku kasoo jeedo, taa badalkeena wasiir kasta oo wasaarad maamula meesha uu doono haka soo jeedee uu dadka oo dhan wada matalo, oo aanu deegaan qudha u shaqaynayn.

"Wasiirka la magacaaba deegaan noqon maayo, wasiirka caafimaadku wuxu ka shaqaynayaa lixda gobol ee waa wayn caafimaad kooda, wasiirka biyuhu qoys qudha uma shaqaynayo, marka wasiirku dhinackastaba ha ahaade wuxu u shaqaynayaa waa qaranka" ayuu yidhi wasiirku.

Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa isku shaandhayntii madaxweyne Biixi ku sameeyay golihiisa wasiirada ku til mamay mid Somaliland ka dhigtay qoys, isagoo sheegay in dadka la magacaabay badankoodu ay isku hayb yihiin.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]