4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Tiro Hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay magaalada Jowhar iyo maamulka Hirshabeelle oo war kasoo saaray
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah oo jugtooda laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar ayaa xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay iney ku dhaceen nawaaxiga madaxtooyada Hirshabeelle, sida xarumaha hay'adda UNICEF, Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale oo ka tirsan xaafadaha Hantiwadaag iyo Horseed ee magaalada Jowhar.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Hirshabeelle oo ka hadashay hoobiyeyaasha xalay lagu  garaacay magaalada Jowhar ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ka hortageen hoobiyeyaal ay soo tuureen Al-Shabaab.

"Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeyaan Amniga Caasimada Hirshabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha Amniga Hirshabelle oo heegan kujiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii eey kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay"ayuu yiri wasiirka amniga Hirshabeelle.

Habeen hore ayay aheyd markii weerar bambaano lagu qaaday xaafad ka tirsan Jowhar oo ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle waxaana falalkani amni daro ay kusoo beegmayaan xilli la filayo in dhawaan Magaalada ay ka billowdaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]