4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
150 Arday oo xafiday Qur'aanka Kariimka oo xaflad abaalmarin ah loogu sameeyay Jigjiga

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay loona qabanayay arday xafiday Qur'aanka Kariimka ayaa maanta ka dhacday magaalada Jigjiga.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas'uuliyiin ka socotay Xafiiska Golaha Arrimaha Islaamka ee Jigjiga, qaar kamid ah Culimada degaanka, Ardayda xafladda loo samaynayay, Waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale.

Xafladdan oo intay socotay hadallo kooban ay ka soo jeediyeen masuuliyiintii xafladda kasoo qayb galay, ayaa gabagabadii xafladda waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore gashay xifdinta Qur'aanka Kariimka oo u kala qaybsanayd kuwo xifdiyay 30ka juz, 20ka juz iyo 10ka juz, iyo waliba macallimiintii lasoo dadaashay ardaydan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay isbaddalkii degaanka ka hanaqaaday, waxaa la arkayay dardar galin xooggan oo dhanka barashada Qur'aanka ah,  iyadoo degaanka ay aad ugu soo badanayeen goobaha lagu barto laguna xafido Qur'aanka Kariimka, kuwaas oo marka dambe loo qabto xaflado lagu amaalmarin ah ardayda xafiday Qur'aanka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]