3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dhalinyaro lagu afduubtay magaalada Baledweyne
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay afduub Baledweyne loogu geystay wiilal dhalinyaro ah oo loo afduubtay iney isku qoys yihiin taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isku qoys yihiin wiilasha lagu afduubtay Baledweyne ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida Ikraan Tahliil, islamarkaana sheegay in dilkeeda uusan galin wax la isku tuur tuuro.

"Dilka Ikraan In laysku tuur-tuuro ma mudna, Waxaan bogaadinayaa ugaaska Beesha  ay ka dhalatay  Ikraan ,dhaqanka iyo maamulka Beledweyne ee maanta u gurmaday In ay xaliyaan shaqaaqadii maanta" ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Xildhibaan Aamino Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kana soo jeeda qoyska wax afduubtay ayaa ka hadashay afduubka loo geystay wiilasha dhalinyarada ah ee shalay lagu Afduubtay Beledweyne, islamarkaana sheegtay iney ka xun tahay in la dhibaateeyo dad aan waxba galabsan.

" Qof aan dhibaato noo geysan yaan loo dhibaateynin Ikraan darteed, Ikraan dadbaa lagu tuhmayaa una eedeysan" ayay tiri Xildhibaanad Aamino Maxamed.

Hadalka Xildhibaanadaan ayaa imaanaya xili shalay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne lagu afduubtay sadax wiil oo dhalinyaro ah oo ay isku qoys yihiin taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin, waxaana afduubta dhalinyaradaasi ay la xiriirta geerida Ikraan Tahliil oo ay shaacisay habeen hore hay'adda NISA.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka kusoo dhacaya warqabadka Hiiraan Online ayaa sheegaya in wiilasha afduuban saacadaha soo aadan la sii deyn doono kadib dadaalo iyo wadahadalo dheeraad ah oo dhexmaray odayaasha dhaqanka beelaha Gaaljecel iyo Reer Owxasan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/4/2021 2:02 PM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Raysal waaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddo 48 saac ah u qabtay taliyaha hay'adda NISA Fahad Yaasiin, inuu warbixin dhameystiran kasoo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil.

9/4/2021 10:48 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Axadda berri ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta Masar.

9/4/2021 10:41 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay loona qabanayay arday xafiday Qur'aanka Kariimka ayaa maanta ka dhacday magaalada Jigjiga.

9/4/2021 8:49 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiyada mucaaradka Somaliland, ay ku wada guulaystaan dhamaan saddexda xubnood ee shirguddoonka golaha wakiilada.

9/4/2021 8:41 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wafdigan oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

9/4/2021 7:50 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Wasiirada Gaashaandhiga dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wadajir ah uga hadlay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Ururka Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda jiritaanka dowlada Soomaaliya.

9/4/2021 7:43 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa aqbalay iscasilaadii Amb Baashe Cawil X. Cumar oo iska casilay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibada oo uu madaxweynuhu u magacaabay 2 bishan, isla markaa madaxweynaha ayaa xilkaa u magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble.

9/4/2021 7:24 AM EST
Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Macalin reer Hargaysa ah oo sheegay in uu mudo 15 sano ah macalin ka ahaa dugsiyada ay maamusho hay'ada Al-huda, oo sheegay in uu hay'ada xaqiisii ka doontay kadib markii shaqada laga eryay bishii July, ayaa ku andacooday in hay'adu usoo dirtay dad dila si aanu xaqiisa u doonanin.

9/4/2021 7:09 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - koox katirsan Al-Shabaab oo watay mootooyin, ayaa saakay weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan kuwa amniga Kenya xilli ay roondo ka wadeen Gobolka Kotulo ee degmada Mandheera.

9/4/2021 12:36 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Inta badan dowladdaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa ku boorrinaya Qaramada Midoobay inay gacan ka geysato xoojinta dadaallada nabad-ilaalin ee Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika uu ka tusaale qaadanayo qabsashadii Daalibaan ee Afgaanistaan.

9/4/2021 12:11 AM EST
Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciiddamo katirsan Puntland oo gaaray deegaannada koonfurta gobolka Mudug, si ay uga qeyb qaataan dagaalka Galmudug kula jirto Alshabaab.