4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Midowga Afrika oo wada qorshe ku aadan in ciiddamada AMISOM loo kordhiyo illaa 2027
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - Inta badan dowladdaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa ku boorrinaya Qaramada Midoobay inay gacan ka geysato xoojinta dadaallada nabad-ilaalin ee Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika uu ka tusaale qaadanayo qabsashadii Daalibaan ee Afgaanistaan.

Sarkaal sare oo katirsan Midowga Afrika ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay ciidamada Afrikaanka ee AMISOM.

“Waxaan ugu baaqeynaa QM, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan la -hawlgalayaasha inay sii wadaan taageeridda Soomaaliya iyagoo si fiican u garanaya xaaladda Afgaanistaan,” ayuu yiri, Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee midowga Afrika, oo jimcihii la hadlayay wariyeyaasha.

Midowga Afrika ayaa doonaya in howlgalka AMISOM la kordhiyo ilaa 2027, Qaramada Midoobayna ay bixiso taageero dheeri ah, sida uu mar kale sheegay madaxa siyaaada midowga Afrika Bankole Adeoye,

Bankole Adeoye wuxuu sheegay inuu rajaynayo dhammaadka Oktoobar, inay dib ugu laabanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay  ka dalbanayaan taageere dheeri ah.
   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online