4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Dableey hubeysan oo goordhaw Baledweyne ku afduubatay wiil dhalinyaro ah
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Dableeydaan hubeysan ayaa goordhaw xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne waxay ka afduubteen wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiqafaar Xaaji Cumar.

Afduubka wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu salka ku haayo geerida allah u naxariiste Ikraan Tahliil Faarah oo ay xalay shaacisay hay'adda NISA iney dileen Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay iska fogeysay iney ka dambeeysay dilka Ikraan Tahliil.

Muqaal muujinya afduubka dableeyda u geysteen wiilka dhalinyarada ah oo lasoo dhigay baraha bulshada ku xariirto ee Internetka ayaa waxaa ka dhex muuqday Cabdiqafaar Xaaji Cumar oo si hanjabaad leh loo weydiinayo su'aalo, kaaso sheegaya inuu kasoo jeedo qabiilka Reer Awxasan oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo taliyaha hay'adda NISA Fahad Yaasiin.

Dableeyda ayaa si cad u sheegaya iney sii beegsan doonaan dhalinyarada kasoo jeeda beesha Reer Awxasan oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo Fahad Yaasiin, kaasoo ay la xiriirinayaan inuu ka dambeeyay dilka Ikraan Tahliil oo horay uga tirsaneyd NISA.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku aadan afduubka loo geystay wiilka dhalinyarada ahaa ee ka midka ahaa aqoonyahanada ku nool magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]