4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wasiirru-dowlaha arrimaha dibada Itoobiya
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la yeeshay wasiirru-dowlaha arrimaha dibada Itoobiya Ridwan Xuseen,  ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhada ganacsiga , isticmaalka Dekedda Berbra ee Itoobiya iyo in la fuliyo heshiisyo labada dhinac horey u galeen.

Warbixin ay madaxtooyada Somaliland kulanka kasoo saartay ayaa lagu sheegay in labada dhinac kawada hadleen isticmaalka Dekedda Berbera oo ay Itoobiya aad u danaysayso in ay kala soo dagto qayb kamid ah alaabada dibada uga timaada iyo horumarinta wadada Berbera Corridor oo marin u noqon doonta ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya.

Sidookale warbixinta ayaa tilmaantay in kulanka lagaga wada hadlay dhamaystirka heshiiyo ay hore u wada galeen Itoobiya iyo Somaliland oo la gaadhay xiligii la fulin lahaa, inkasta oo anay warbixintu faaah faahin waxa ay yihiin heshiis yadaasi.

Kulanka ayaa waxa kale oo ka qayb galay, wasiir ku xigeeenkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Liiban Yusuf Cismaan oo shalay loo magacabay xilka wasiir ku xigeenka caafimaadka oo aan wali xilka wareejin iyo wakiilka Itoobiya ee Somaliland Siciid Maxamed Jibriil.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]