4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Dagaal Culus oo ka dhacay deegaanka Kudhaa iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegatay
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi aroornimadii hore ee saakay uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar culus ay ku qaadeen Saldhiga deegaankaasi dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay deegaankaasi, waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna baraha bulshada ay kaga leeyihiin Internet-ka ay ku sheegteen iney la wareegeen Saldhiga Kudhaa, islamarkaana ay ku dileen ilaa 10 ka mid ah ciidamada maamulka Jubbaland gacantana ay ku dhigeen hub iyo saanad Militari.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanka Kudhaa waa markii labaad oo dagaalamayaasha Al-shabaab weerar toos ah ku qaadaan wax ka yar muddo laba isbuuc ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]