4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Dagaal ka dhacay degmada Xuddun oo khasaare sababay
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidanka Booliska iyo maleeshiyaad hubaysan ayaa ka dhacay magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa waxa la sheegayaa in uu ku dhintay Taliyihii saldhiga degmada Xuddun Cusmaan Cagaweyne, dhaawacyo soo gaadhey ciidankana wararku waa sheegayaan inkasta oo aan si dab ah loo xaqiijin karin khasaaraha intaas waa ka badinayaan wararka na soo gaadhayaa.

Dagaalkan ayaa waxaa sababay kadib markii ciidanka booliska degmadu qabteen gaadhi sidey Khamri, taas oo sababtay duulaan ay soo qaadeen dableydan hubaysan.

"Waxaa saldhiga  lagu hayey gaadhi iyo laba nin oo watey in khamri saaran yahayna waa naloo sheegay, duhuradii ayaan maqalay in duulaan magaalada soo gaadhey ay nimanka xidhan isku hayb yihiin hadana ciidan laba gaadhi wata oo boolis ah ayaa dhinaca Laascaanood ka yimi ayaa iyana magaalada dhinaca ka soo galay sidaa ayay rasaastu ku bilaabantay" sidaa waxaa u sheegay HOL Maxamed Jaamac oo intaas ku daray in magaalada khalkhal weyni qabsaday.

Masuuliyiintii degmada nooma suuragelin in aan la xidhiidhno balse waxa warar aan la xaqiijin sheegayaan in maleeshiyaadkii oo ka soo duuley Aw-boogays oo Xuddun 75km. barri kaga quman ka soo duuley ay qaateen dadkii xidhnaa iyo allaabtoodiiba.

Srynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Lascanod