4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Majaajiliiste Cabdi Maruudi Dheere Ajakis oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyay maamulka Talefashinka Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho oo uu marxuumka ka tirsanaan jiray howlwadeenada talefashinka Universal.

Allah u naxariiste Marxuum Ajakis ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisa waxaa kusoo booday xanuun la sheegay inuu ka haleelay dhanka sambabada, kaasoo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday.

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa jilayaasha dhanka majaajilada kuwa ugu caansan guud ahaan Soomaaliya, waxuuna sidoo kale soo jilay Riwaayado farabadan, waxuuna turjimaad ku sameyn jiray filimada Hindiga ee afsoomaaliga loo badalo oo uu door muhiim ah ka qaadan jiray turjimaadooda.

Madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyo siyasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii caanka ahaa allah u naxariiste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay Ajakis.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]