4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
China oo markab dagaal iyo ciidamo u soo diray biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa saaran hubka wax burburiya, laba helicopter, waxaana la socda daraasiin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee fuliya hawlgallada khaaska ah.

Ujeedada Markabkan loogu diray biyaha Soomaaliya, ayaa ah la-dagaallanka argagixisada iyo la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo sidoo kale kormeerka badda.

Ciidanka Badda China ayaa ka bilaabay hawlgallo gacanka Cadmeed iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya December 2008.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online