9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Madaxda ugu sareysa dalka oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney si isku duubni leh ula shaqeeyaan laamaha amaanka dalka, si looga hortago qaraxyada Shabaab ka geystaan gudaha dalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Madaxtooyada Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay qaraxii maanta dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogg Raysal wasaare Rooble.

Qaraxaan ay sida gooni goonida ah uga kala tacsiyadeeyeen madaxda ugu sareysa dalka ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta oo ka mid ah wadooyinka laga galo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay 9 ruux oo sideed ka mid ah ahaayeen dad shacab ah, halka midka sagalaadna uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/25/2021 7:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

9/25/2021 5:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

9/25/2021 4:53 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

9/25/2021 4:32 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2021 2:30 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lala beegsaday qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso xili ay marayeen inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Buurane.

9/25/2021 2:03 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.