1/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo Alshabaab ka geystay Muqdisho
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

Afhayeenka ciidanka Booliska waxa uu sheegay qaraxa inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo uu la socday naftii hallige isku qarxiyay goobta gaadiidka lagu baarayay.

Wuxuu afhayeenku sheegay inuu khasaaraha dhimashadu intaas kasii badan karo ayna jiraan 9 dhaawac ah iyo dad kale oo ay eheladoodu la carareen markii uu qaraxu dhacay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray hooyo sidatay labo ilmood oo yaryar, kuwaas oo ku basbeelay gaari yar oo ay la socdeen. Hooyadu waxay u socotay MCH kuyaalla isgoyska Ceelgaabta.

Sidoo kale, dadka qaraxa ku geeriyooday waxaa kamid ah Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida uu xaqiijiyay afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Macalimow.

‘Waxa loo socdo ma ahan xarun dowladdeed, ma ahan askari, waxa halkaan ku basbeelay waa hooyo sidatay labo carruur ah, oo u socotay MCHka dhabarkayga ah,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Kooxda Alshabab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, waxayna sheegeen in ay la beegsadeen saraakiil katirsan dowladda oo ku sugnaa kantaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/25/2021 9:59 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

9/25/2021 5:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

9/25/2021 4:53 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

9/25/2021 4:32 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2021 2:30 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lala beegsaday qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso xili ay marayeen inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Buurane.

9/25/2021 2:03 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.