6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Urur ay ku midaysan yihiin qareenno Soomaaliyeed oo maxkamadda ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

Ururkan waxay maxkamadda u gudbiyeen afar kiis oo kala ah, kiiska Ikraan Tahliil Faarax, Dadkii lagu laayay Baydhabo sannadkii 2018 xilligii doorashadii madaxweyne Lafta gareen, cuno-qabatayntii duulimaadyada Kismaayo iyo dhallinyaradii Eritrea tababarka loogu qaaday.

Guddoomiyaha ururkaasi Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, ayaa sheegay in maxkamadda ICC ay ka qabatay dacwadda, balse wuxuu sheegay ka dooddisteeda in ay ku xiran tahay fursada ay maxkamaddu haysato.

Garyaqaan Yuusuf, wuxuu sheegay ujeedada ay dacwaddan uga gudbiyeen dowladda Soomaaliya, in ay tahay sidii dowladdaha soo socda u ogaan- lahaayeen in lagu daba galidoono xadgudubyada ay geystaan.

Wuxuu sheegay dowladda hadda jirta in ay kamid tahay dowladdihii ugu badnaa ee ku kacay xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.

Wuxuu sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan kiisas ka dhan ah xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay Dhuusomareeb, Bariire iyo Buulo Xaawo, kuwaas oo ay dowladda federalka Soomaaliya ku lug leedahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/25/2021 9:59 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

9/25/2021 7:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

9/25/2021 4:53 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

9/25/2021 4:32 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2021 2:30 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lala beegsaday qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso xili ay marayeen inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Buurane.

9/25/2021 2:03 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.