Hiiraan Online
5/17/2022
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Qarax khasaare geystay oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lala beegsaday qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso xili ay marayeen inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Buurane.
Qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray kolanyada ciidamada Burundi xili ay wadada marayeen.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa bartooda internet-ka ku sheegtay in qaraxa miino ee ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ay ku dileen ilaa 7 askari oo ka mid ahaa kolanyada ciidamada Burundi iyo ee kusii jeeday gudaha magaalada, islamarkaana uu gabi ahaanba burburay mid ka mid ahaa gaadiidka qaraxa uu haleelay.
Dagaalamayaasha Shabaab ayaa marar badan qaraxyo miino ah la beegsaday Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo ku socdaalaayay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi oo saaka qaraxa miino lala beegsaday iyo khasaaraha kasoo gaaray.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Madaxda ugu sareysa dalka oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
9/25/2021 9:59 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo gooni gooni ah uga kala tacsiyadeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho oo si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya.
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo Alshabaab ka geystay Muqdisho
9/25/2021 7:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.
Urur ay ku midaysan yihiin qareenno Soomaaliyeed oo maxkamadda ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya
9/25/2021 5:28 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.
Kenya oo heegan ugu jirta in ay diiddo go’aanka murunka soohodinta badda ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ)
9/25/2021 4:53 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
9/25/2021 4:32 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo hakad ugu jirta khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
9/25/2021 2:03 AM EST
Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.
Somali News
Somali lawyers association file cases at ICC against Somali government for ‘crimes against humanity’
-
HOL
9/25/2021 10:01 AM EST
MELBOURNE (HOL) - A group of Somali lawyers in Australia has said it has filed four cases against the Somali government at the International Criminal Court (ICC) over what it termed as ‘crimes against humanity’.
Galmudug State says pulling out of Farmaajo-Roble mediation talks
-
HOL
9/25/2021 7:14 AM EST
DHUSAMAREB (HOL) - Galmudug State has said it is withdrawing from mediation talks between Prime Minister Mohamed Roble and President Mohamed Farmaajo.
Suicide car bombing kills at least 7 in Somali capital
-
Anadolu Agency
9/25/2021 6:42 AM EST
At least seven people, including soldiers and civilians, were killed on Saturday in Somalia's capital, after a suicide car bombing that targeted a security checkpoint near the presidential palace, police said.
Bomb attack 'kills several' in Mogadishu bombing
-
HOL
9/25/2021 5:23 AM EST
MOGADISHU (HOL) - A heavy bomb explosion rocked a checkpoint near the Presidential Palace in Mogadishu Saturday morning amid fears of deaths.
Senate elections in Hirshabelle halted due to dispute between president and vice president
-
HOL
9/25/2021 2:35 AM EST
Jowhar (HOL) - Sources from the Hirshabelle regional administration say there is a severe rift between Hirshabelle president Ali Gudlawe and his vice-president, Yusuf Dabageed.
Chad’s military ruler Mahamat Deby names transitional parliament
-
Al-Jazeera
9/25/2021 1:09 AM EST
Mahamat Idriss Deby, the head of Chad’s military government, has named 93 members of a new interim parliament, five months after declaring himself leader following the death of his father, longtime President Idriss Deby.
Lansing man accused of supporting Islamic State group sentenced to prison
-
The Detroit News
9/25/2021 12:27 AM EST
A Lansing man accused of pledging allegiance to and helping a relative join the Islamic State group has been sentenced to 130 months in federal prison, officials said.
Dahabshiil, AECF partner to support SMEs in Somali regions
-
The Star
9/25/2021 12:13 AM EST
Africa' s money transfer company, Dahabshiil through its subsidiary MicroDahab micro finance institution, has partnered with the Africa Enterprise Challenge Fund (AECF) to support SMEs in Somalia regions.
Kenya awaits hostile ruling in Somalia border row
-
Nation Africa
9/25/2021 12:05 AM EST
Kenya is on high alert ahead of next month's judgment on the Indian Ocean boundary dispute with Somalia, which is expected within government circles to be adverse.