4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 25, 2021
Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo hakad ugu jirta khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
 

Sabti, September, 25, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Khilaafka soo kala dhexgalay labada masuul ee ugu sareysa maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu salka ku haayo murun la xariira mid ka mid ah kuraasta Aqalka sare oo 18-kii bishaan iyadoo doorashadiisu socoto ay fowdo bilaabeen Xildhibaano ka tirsan Hirahabeelle, taaso keentay in lagu kala cararo hoolkii doorashada ka socotay.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaan dib kursigaas loogu tartamin ama loo xiro musharax uu isaga si gaar ah wato, waxaana arinkaasi ka biyo diiday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Khilaafka labada masuul ayaa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado howlaha doorashada kuraasta Aqalka sare ee Hirshabeelle oo ay ka harsan tahay sideeda kursi ee Jowhar lagu dooranaayo laba kursi oo kala ah midka sababay khilaafka u dhaxeeya waqtigaan Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Bilowgii doorashada kuraasta Aqalka sare iyo waliba liiskii Musharaxiinta ee uu soo saaray madaxweynaha Hirshabeelle ayaa siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxay si aad ah ugu amaaneen madaxweynaha Hirshabeelle inuu soo saaray liis ku saleysan cadaalad balse dhamaadkii doorashada waxaa hareerayay buuq iyo fowdo ay sameyeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, taasoo ugu dambeyn keentay khilaaf soo kala dhexgalo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa doorashadana hakad gasho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]