4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Maxkamadda caddaalada adduunka oo maanta si rasmi ah u shaacisay waqtiga lagu dhawaaqayo xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo ah hay'adda ugu weyn ee garsoorka Qaramada Midoobay, ayaa go’aan ka gaari doonta kiiska xadeynta badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya 12 -ka Oktoobar, saacaddu markay tahay 4 -ta galabnimo xilliga Muqdisho.

Madaxweynaha maxkamadda ICJ, garsoore Joan E.Donoghue, ayaa akhrin doona go’aanka Maxkamadda, sida lagu sheegay war-saxafadeed kooban oo maanta lagu shaaciyay boggaga rasmiga ah ee maxkamadda ku leedahay internetka.

Iyadoo la eego faafitaanka COVID-19, maxkamaddu waxay sheegtay in kaliya Xubnaha Maxkamadda iyo wakiillada labada dowladdood ay ku sugnaanayaan hoolka Caddaaladdu ka dhacayso.

Maxkamaddu waxay kaloo sheegtay in diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo dadweynaha ay awoodi doonaan inay go’aanka kala socon doonaan shabakaddaha internetka ee Maxkamadda, iyo baraha UNka.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kiiska xukunka maxkamadda lagu dhawaaqidoono 12 ka bisha Octobar oo haatan ay ka harsan tahay wax yar 20 cishe.

Dowladdu rajo wanaagsan ayay ka qabtaa in ay ku guulaysan doonto kiiska badda oo ay muddo dheer soo jiitamayay.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online