4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Xildhibaan Yuusuf Xasan : Qof maskaxda ka xanuunsan ayaa ka dambeeyay cabsidii laga dareemay suuqa Islii
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi oo ah xildhibaanka lagasoo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in qof maskaxda ka xanuunsan uu ka dambeeyay cabsi shalay laga dareemay suuq kuyaalla xaafadda Islii oo la sheegay in qarax lagu xiray.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ka taagan xaafadda Islii, isagoo sheegay ciiddamada amnigu in ay xaqiijiyeen in ay qof dhimirka ka xanuunsan uu warqad kaga tagay dhismaha suuqa.

Dhismaha daarta ganacsi yare oo ka kooban toban dabaq ah ayaa shalay galab halmar laga kala cararay, kadib markii la helay warqad ay ku qoran tahay in qaraxyo ay ku xiran yihiin daarta

Ciidamada miino baarista dalka Kenya ayaa markii dambe xaqiijiyay in ay aanay jirin wax qarax ah oo ku xiran daarta, waxayna dadka ku wargaliyeen in ay dib ugu laabtaan ganacsiyadooda.

Daarta yare oo dhawaan la furay, waxaa ganacsiyo badan ku leh Soomaalida xaafadda Islii, waana meel aad u saxmad badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online