4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Jeneral Dollaal "2 sannaddood oo aan sharci ahayn ayaa laygu xukumay"
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Jeneral Jaamac Maxamuud Aadan (Dollaal), oo hore uga tirsaa millitariga Somaliland, isla markaana 11 April ee 2021, Maxkamada Millitariga Somaliland ku riday 2 sano oo xadhiga ah, kadib markii lagu eedeeyay danbi ah in uu qorshaynayay falal ka dhan ah qaranimada Somaliland, ayaa sheegay in xadhigiisu uu sharci daro ahaa.

Dollaal ayaa ku andacooday in Maxkamada Millitariga Somaliland, ay ku wayday dhamaan danbiyadii lagu soo eedeeyay, intaa kadibna madaxweyne Biixi iyo taliyaha millaterigu ay xaakinka ku amreen in uu u diro 2 sano oo xadhiga, sidaana lagu xidhay.

"Qaran dumis ayaa lagugu soo eedeeyay ayaa la yidhi, markhaatiyaal ayaa lasoo taagay, guddoomiyihii maxkamada ee i xukumayay wuxuu yidhi ninka kiiskii waa lagu waayay, qaran dumis buu ahaa kiiska waanu laalay, waanu ku waynay, ka bacdi waxa lala soo hadlay guddoomiyihii oola yidhi hadii anad xukumin oo aanu xukun kaga soo bixin meeshaa, madaxweynaha iyo jananku markay lasoo hadleen, 2 sanadood oo aan ahayn sharci ayaa laygu xukumay"  ayuu yidhi Dollaal.

Xukunka Maxkamada Milliteriga, ayaa yimid, kadib markii la sheegay in lagu helay danbi ah in uu xidhiidh la sameeyay dad aanay maxkamadu faahfaahin, oo ku sugan maalagada Muqdisho. Madaxweyne Biixi ayaa 6 bishii May Dollaal cafis u fidiyay kadib markii uu xidhnaa 25 cisho oo kaliya.

Markii Jeneraalka lasii daayay, ayaa waxa baraha bulshada ku baahay codad qof aad ugu cod eg Dollaal iyo qofkale oo sheegay in uu Muqdisho joogay is waydaarsadeen, oo ay kaga hadlayaan heshiisyo sir ah oo ay wada galayaan, codadkan oo HOL, anay si madaxbannaan u xaqiijin karin ayay dadka qaarkood ku andacoodeen in uu yahay Dollaal.

Qaar kamid ah dadwaynaha baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in codadkaasi ay sababeen in xabsiga la dhigo Dollaal, inkasta oo uu isagu sheegay in maxkamadu ay xaqiijin kari wayday codad sir ah oo xeer ilaalintu ku eedaysay in uu yahay isaga oo xidhiidh la samaynaya dad Muqdisho jooga.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]