4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Mowjada saddexaad ee caabuqa Covid-19 oo faro baas ku haya bulshada Somaliland
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Somaliland ayaa adduunka badan kiisa kala siman saamaynta mowjada saddexaad ee caabuqa Covid-19, daraasiin dad ah oo da'a walba leh ayuu isbitaalada dhigay, tirada dadka maalinba caabuqu soo rito, ayaa ah darajo cusub oo aanu caabuqu wali Somaliland ka gaadhin tan iyo markii kiiskii ugu horeeyay laga helay bishii March ee sanadkii 2020, waxaana jira dad u dhinta maalinwalba.

Xogta maalin laha ah ee lagu baahiyo barta wasaarada caafimaadka, ayaa lagu sheegay in maanta oo kali ah caabuqa laga helay 98 qof, isla markaana ay dhinteen 3 qof. Inta waxa dheer, in ay jiraan kumamnaan caabuqa guryahooda, goobaha shaqo iyo suuqyada la jooga, iyo tiro kale oo u dhimanaya guud ahaan Somaliland kuwaasi oo aan u xisaabsanayn wasaarada caafimaadka.

Guddida La dagaalankan Caabuqa Covid-19 oo qaylo-dhaan xanuunka kasoo saartay Arbacadii maanta, ayaa bulshada uga digay khatarka caabuqa isla markaana faray in ay weeleeyaan talada dhakhaatiirta, kala fogaadaan, afka xidhaan isla markaana, nadaafada gacmahooda ilaaliyaan.

"Waxaa inagu waajib ah in aynu qaadano talooyinka caafimaadka, waxaanan nu farayna meelaha layskugu yimaado ee suuqyadu kow ka yihiin, hotelada, maqaaxiyaha iyo masaajidada, dugsiyada iyo malcaamadaha in lasoo celiyo nidaamki kala fogaanshaha, macalimiinta iyo imaamyadu waa in ay ku guubaabiyaan in ay kala durkaan oo afsaab xidhaan" sida waxa yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Cabdirisaaq Xuseen (Albani) oo gudida kamid ah.

Dhinaca kale, dadaalka ay xukuumadu ku waajahayso mowjadan saddexaad ee caabuqa ayaa aad uga kooban, ugana liidata marka la bar bar dhigo mowjadihii ka horeeyay, tusaale ahaan waxaa yar karantiilka gaar ka ah ee loo sameeyo bukaanda caabuqa qaba, isla markaana waxa soo booqanaya daraasiin dad ah, oo aan badan koodu xidhnayn wax ka hortag ah sida ay HOL, u xaqiijisay Ruun Sh. Ahmed oo bukaan ku haysa isbitaalka guud ee Hargaysa.

Khatarta ugu wayn ee uu hada caabuqu leeyahay ayaa ah in bulshadii qabatintay, oo anay u arkaynba wax ka duwan durayga caadiga ah ee dadka ku dhaca, waxaa jira dad badan oo aan aaminsanayn jiritaanka caabuqa, iyo hab maamulkii isbitaalada ee ka hortaga caabuqa oo aan jirin, taasi oo keentay in xataa kalkaaliyayaashi caafimaadka qaar kamid ahi la il daranyihiin caabuqa oo haleelay.

Dhakhaatiirka ayaa marka aad waraysato kuu sheegaya in mowjadan saddexaad ay aad u khatar badantahay isla markaana uu caabuqu weerarayo maskaxda, neef-mareenka iyo maqalka qofka. Waxaa intaa dheer in caabuqu uu hada xataa dhalinyarayada iyo dadka xooga ah dili karo.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]