4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Somaliland oo war kasoo saartay doorashooyinka Dowlada Federaalka Soomaaliya
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland anay wax lug ah ku lahayn, doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana anay waxba ka khusayn.

"Dowlada Jamhuuriyada Somaliland waxay ku wargalinaysa, Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyada Somaliland tahay dowlad madaxbannaan, oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya" ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Hoos ka dheeho warbixinta oo dham aystiran:-



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]