9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Abwaan reer Hargaysa ah oo hore xil looga magacaabay Xamar oo xil kale laga siiyay Hargaysa
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yusuf Shaacir) oo 3 bishii July ay dowlada Soomaaliya u magacowday xubin ka tirsan xeeldheerayaasha Akadamiyada Afka iyo Suugaanta ee Wasaarada Waxbarashada, ayuu  hada Golaha Wakiilada Somaliland, u magacabay xubin katirsan guddida afka ee golaha.

Shaacir oo ay warhaahintu wax kawaydiisay magacaabistii hore ee dowlada Soomaaliya kasoo baxday iyo magacaabista cusub ee ay golaha wakiiladu ugu doorteen in uu ka mid noqdo guddida afka Soomaaliga ka taageeri doonta golaha, ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo horumarinta afka guud ahaan hadii aanu siyaasadaysnayn.

"Afku haduuna siyaasad ku jirin cidwalba waan kala shaqaynaya, lakin haduu siyaasad ku jiro kama shaqaynayo, Xamar iyo Hargaysana waad ogtihiin loolanka ka dhexeeya, lakin afku markuu banaanyahay Geeska Afrika oo dhan ayaan kala shaqaynayaa, maaha Xamar iyo Hargaysa oo qudha ee Jigjiga, Jabuuti iyo NFD baanu kala shaqaynaynaa" ayuu yidhi Shaacir.

Abwaanka ayaa hadal uu jeediyay 7 bishii July 4 cisho kadib markii dowlada Soomaaliya soo saartay magacaabistiisa, ku sheegay in anay jirin shaqo Xamar laga siiyay oo uu aqbalay, isagoo sheegay in uu ku xidhay shardiga ah in magacaabistiisu anay ku luglahayn arrimo siyaasadeed.

Ma cadda, abwaankuna si toosa ugama jawaabin in uu ka tagay xilkii ay dowlada Soomaaliya u magacowday, iyo in uu wali ka tirsanyahay xeeldheerayaasha afka ee Akadamiyada Afka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/22/2021 3:32 PM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Somaliland ayaa adduunka badan kiisa kala siman saamaynta mowjada saddexaad ee caabuqa Covid-19, daraasiin dad ah oo da'a walba leh ayuu isbitaalada dhigay, tirada dadka maalinba caabuqu soo rito, ayaa ah darajo cusub oo aanu caabuqu wali Somaliland ka gaadhin tan iyo markii kiiskii ugu horeeyay laga helay bishii March ee sanadkii 2020, waxaana jira dad u dhinta maalinwalba.

9/22/2021 10:03 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa durba bilaabay inuu kulan la qaato qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalka iyo taliyaasha ciidamada.

9/22/2021 9:35 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland anay wax lug ah ku lahayn, doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana anay waxba ka khusayn.

9/22/2021 8:19 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay maanta dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa dagaalamayaasha Al-shabaab.

9/22/2021 8:14 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa markii ugu horraysay ka hadashay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xirxiray dalka Turkiga, kuwaas oo ay markii dambe gacan ka geysatay siidayntooda.

9/22/2021 5:53 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Marka.

9/22/2021 5:42 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

9/22/2021 4:12 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday qorshe howleed ay kula wareegayso masuuliyadda ammaanka dalka, kadib marka ay ciiddamada AMISOM soo gabagabeeyaan waajibaadkooda.

9/22/2021 1:35 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib u habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

9/22/2021 1:24 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Xildhibaanada labada Aqalka ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka dooraashada kuraasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.