9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Dagaal xoogan oo Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay maanta dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ay ku leeyiiin deegaanka Hoosingoow ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka Hoosingoow ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka labada dhinac dhexmaray uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka dhashay dagaalka khasaare kala gaaray labada dhinac iyo waliba dad rayid ah oo rasaasta ugu tagtay aqaladooda, inkastoo aysan xaqiijin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dhinacyada Al-shabaab iyo Saraakiisha ciidamada Kenya oo ku aadan dagaalka maanta ku dhexmaray deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah iyo kuwa toos ahba ku qaada Saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanada maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/22/2021 3:32 PM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Somaliland ayaa adduunka badan kiisa kala siman saamaynta mowjada saddexaad ee caabuqa Covid-19, daraasiin dad ah oo da'a walba leh ayuu isbitaalada dhigay, tirada dadka maalinba caabuqu soo rito, ayaa ah darajo cusub oo aanu caabuqu wali Somaliland ka gaadhin tan iyo markii kiiskii ugu horeeyay laga helay bishii March ee sanadkii 2020, waxaana jira dad u dhinta maalinwalba.

9/22/2021 10:03 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa durba bilaabay inuu kulan la qaato qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalka iyo taliyaasha ciidamada.

9/22/2021 9:35 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland anay wax lug ah ku lahayn, doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana anay waxba ka khusayn.

9/22/2021 9:26 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yusuf Shaacir) oo 3 bishii July ay dowlada Soomaaliya u magacowday xubin ka tirsan xeeldheerayaasha Akadamiyada Afka iyo Suugaanta ee Wasaarada Waxbarashada, ayuu hada Golaha Wakiilada Somaliland, u magacabay xubin katirsan guddida afka ee golaha.

9/22/2021 8:14 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa markii ugu horraysay ka hadashay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xirxiray dalka Turkiga, kuwaas oo ay markii dambe gacan ka geysatay siidayntooda.

9/22/2021 5:53 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Marka.

9/22/2021 5:42 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

9/22/2021 4:12 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday qorshe howleed ay kula wareegayso masuuliyadda ammaanka dalka, kadib marka ay ciiddamada AMISOM soo gabagabeeyaan waajibaadkooda.

9/22/2021 1:35 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib u habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

9/22/2021 1:24 AM EST
Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Xildhibaanada labada Aqalka ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka dooraashada kuraasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.