4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Africa oo diyaarinaya qorshaha ciiddamada AMISOM uga baxayaan dalka
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday qorshe howleed ay kula wareegayso masuuliyadda ammaanka dalka, kadib marka ay ciiddamada AMISOM soo gabagabeeyaan waajibaadkooda.

Guddi Farsamo oo ka socda Dowladda iyo Midowga Africa, ayaa si wadajir ah ay u diyaarin doona qorshe howleed ku qotoma sidii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lehayd amniga guud ee dalka,

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlayay kulan arrintaan looga hadlayo oo ka socda Muqdisho, ayaa sheegay in qorshahan ay sida wadajirka ah u diyaariyaan DFS iyo Midowga Africa loo gudbin doono golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirku wuxuu sheegay in sannadka soo socda laga fekerayo qaabka ay ku joogi lahaayeen ciidanka AMISOM iyo sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen in Alshabaab laga xorreeyo dhulka ay maamulaan.

“Waxaan rabnaa sannadka soo socda in ciiddamada Soomaaliya ay qaataan masuuliyadda ugu sarreysa ee ah in dalka laga xorreeyo Alshabaab iyo hoggaaminta arrimaha amniga,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka gaashaandhigga wuxuu  sheegay in ay dowladda  doonayso in qorshaha iyo maskaxda lagu shaqeynayo uu yahay mid Soomaaliya ka yimaada, balse uusan ahaan mid midowga Afrika uu kasoo shaqeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online