4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Jadwalka Doorashada Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi oo lasoo saaray
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Xildhibaanada labada Aqalka ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka dooraashada kuraasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood ayaa lagu wadaa iney qabsoonto dhamaadka bishaan.

Maalinta berito oo khamiista ah waxaa bilaaban doona diwaangalinta Musharaxiinta iyo Shahaado siintooda, waxaana dooraahada ay dhici doonta 28-ka bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota, islamarkaana ay ku eg tahay 30-ka bishaan.

Shaacinta Jadwalka doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ayaa imaaneysa xili saacado ka hor liiska Musharaxiinta ku tartaneysa doorashada Aqalka sare la soo saaray.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi:-



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]