4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
ENG. Maxamed Cumar Saalixi oo katirsanaa guddiga dacwada badda Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku geeriyooday allaha u naxariistee ENG, Maxamed Cumar Saalixi oo xubin muhiim ka ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Injineer Saalixi oo la taliyaha arrimaha badda kasoo noqday madaxtooyada Soomaaliya,ayaa ahaa khabiir aqoon dheer u leh cilmiga badda, wuxuuna ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf.

"Injineer Salihi wuxuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, aamin ah, howsha uu hayana si taxadar leh u guta. Wuxuu ahaa shaqsi aanan ismuujin ama ku faanin howsha adag ee uu qaranka u haayay" ayuu yiri C/raxmaan Aadan Cusmaan oo ay usoo wada shaqeeyeen.

Injineer Saalixi wuxuu sidoo kale ahaa ninkii xifdiyay keydka macluumaadka iyo xogta badda Soomaaliya markii ay dhaceen dagaallada sokeeye, waxaana intii ay socotay dacwadda badda lagu ammaanay xifdinta macluumaadkaas.

Allah ha u naxariiste Injineer Saalixi ayaa sidoo kale intii ay socotay dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya wuxuu socdaal ku maray waddamada Mareykanka, dalalka Yurub iyo Africa, isagoo qurbajoogta Soomaaliyeed xog iyo warbixin ka siiyay badda Soomaaliya, wuxuuna ahaa ninkii soo jeediyay hadalkii gunaanadka ahaa ee Soomaaliya ee gabagabada doodda labada dal ee maxkamadda ICJ.

Ra'isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo ahaa madaxda ergada Soomaaliya ee dacwada badda ayaa ka tacisiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa "laf-dhabar dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya", isla markaana dalkiisa ugu soo shaqeeyay si hagar la’aan ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online