4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Mid ka mid ah fanaaniintii ugu caansanaa Kooxda Hoboladda Qaranka ee Waabari oo muqdisho ku geeriyooday
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri oo muddooyinkii dambe la sheegay inuu ku xanuunsanaayay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariiste Maxamed Aadan Shamuuri waxuu ku dhashay gobolka Sh/dhexe magaala madaxdiisa Jowhar, waxuuna fanka kusoo biiray 70- tameeyadii oo uu ka mid noqday kooxdii Yogol ee ka dhisneyd degmada Jowhar.

Fanaan Shamuuri ayaa sidoo kale ka qeyb galay barnaamijkii tartankii heesa hirgalay sanadkii 1975-kii, isagoona kusoo baxay kaalinta 1-aad.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tacsi udiray qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka ee  Waabari Maxamed Aadan Shamuuri oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

"Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Inuu Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdowsa Eebbe ha ugu deeqo" ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Allah u naxariiste fanaan Shamuuri waxa uu ahaa hobol si weyn uga dhex muuqday kooxdii Hoboladda Qaranka Waabari, waxuuna ahaa Mullaxan, Heesaa iyo Muusikiiste fara fudud, manata ayaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]