3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Muqdisho oo lagusoo dhoweeyay dufcaddii 1-aad oo ah gabdho saraakiil ciiddan ah oo uu Turkigu soo tababaray


Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Dufcaddii ugu horreysay ee gabdho ka tirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ee lagu soo tababaray Turkiga ayaa ka soo degay gegida dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib tababar boolis oo socday muddo bilo ah.

Wasiiru dowlaha Amniga XFS, Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiil kale oo dowladda ka tirsan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey ururka 8aad ee Kumaandooska Gor Gor & Gabdhaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo  lagu soo tababaray Dalka Turkiga  kuwaas oo ku biiri doona cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Harmacad.

“Waxaad hesheen mid ka mid ah tababbarka ugu wanaagsan adduunka oo aan uga mahadcelinayno walaalaheenna Turkiga, waxaana la joogaa waqtigii hadda si sharaf iyo karaamo leh ugu adeegi lahaydeen dalkiina iyo dadkiisa,” ayuu yiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dhanka kale, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in ka badan 100 katirsan ciidamada Gorgor ay iyaguna tababar ugusoo gabagaboobay  Turkiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/2/2021 1:10 PM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Hay’adda NISA ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday in Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka oo warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021, la helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Alshabaab kadibna ay dileen.

9/2/2021 12:11 PM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Ilo katirsan hay’addaha sirdoonka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh katirsanayd hay’adda NISA oo muddo dhowr bilood ah la weysan yahay, ay gacanta u gashay kooxda Alshabab.

9/2/2021 10:11 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

9/2/2021 9:43 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya Ridwaan Xuseen, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

9/2/2021 8:46 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday 5 wasiir oo xukuumadiisa ka tirsana, 2 wasiir ku xigeen, wakiilkii Somaliland ee dalka Itoobiya, guddoomiyihii hay'ada shaqalaha iyo guddoomiyihii baanka dhexe, madaxweynaha ayaa sidookale isku badal sameeyay.

9/2/2021 7:14 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Soomaali ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa ku guulaystay in ay badbaadiyaan wiil dhallinyaro ah oo Soomaali oo doonayay inuu mindi wax ku dilo.

9/2/2021 6:03 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku geeriyooday allaha u naxariistee ENG, Maxamed Cumar Saalixi oo xubin muhiim ka ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

9/2/2021 4:25 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri oo muddooyinkii dambe la sheegay inuu ku xanuunsanaayay magaalada Muqdisho.

9/2/2021 1:55 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, oo waraysi siiyay M.M TV, ayaa xaqiijiyay in dowlada Maraykanku ay xukuumada Somaliland ka codsatay in qaxooti reer Afghanistan ah si ku meel gaadh ah loo dajiyo Somaliland.

9/2/2021 1:48 AM EST
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Libaan Yuusuf Cismaan, ayaa waraysi uu siiyay M.M TV ku sheegay in anay jirin isbadalo ka socda Geeska Afrika, taa badalkeedana uu geesku ku jiro duruufo, duruufahas oo Somaliland oo kali ahi ka bad baaday.