4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Maraykanka oo Somaliland ka codsaday in qaxooti reer Afghanistan ah la keeno dhulkeeda
 

Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, oo waraysi siiyay M.M TV, ayaa xaqiijiyay in dowlada Maraykanku ay xukuumada Somaliland ka codsatay in qaxooti reer Afghanistan ah si ku meel gaadh ah loo dajiyo Somaliland.

"Qoxotiga Afghanistan waxa nagala hadlay dowlada Maraykanka, hay'adaha caalamiga ah iyo dadka arrinta gacanta ku haya, inaguna waxay tahay in aynu dhinacyada aan kuu sheegayo aynu ka qiimayno, hadii aynu ku qanacnana aynu qayb ka noqono howshaa" ayuu yidhi wasiir Liibaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in codsiga dowlada Maraykanku uu muujinayo, in Somaliland tahay goob laysku halayn karo, isla markaana door ka ciyaari karta qadiyadaha caalamiga ah.

"Waxa jira in qaxooti badan Afghanistan laga soo daad guraynayo, dalal badan ayay dowlada Maraykanku la xidhiidhay, Somaliland hadii la majeertay in ay kamid noqoto dalalkaa, waxay muujinaysa in Somaliland ay tahay dowlad lagu kalsoonyahay oo qadiyadaha caalamka wax kuleh" ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleeban Cali Koore, ayaa horey u beeniyay run-nimada wararka sheegaya in Maraykanku Somaliland kala soo xidhiidhay qadiyada qoxootiga Afghanistan.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]