3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Faysal Cali Waraabe "Biixi waxa uu noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyay ee aan codsan kordhis"
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo kasoo laabtay safar uu ku joogay waddamada Yurub, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu codsaday in doorashada madaxtooyada lagu qabto wakhtigeedi, oo aan mudo kordhin loo samayn.

Faysal ayaa madaxweynaha Somaliland u hambalyeeyay isagoo sheegay in uu maqlay in madaxweyne Biixi, uu codsaday in doorashada madaxtooyada wakhtigeedi lagu qabto, wuxuuna sheegay in hadii madaxweynuhu uu doorashada wakhtigeeda ku qabto uu taariikhda Somaliland baal dahab ah ka gali doono.

"Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay warar iga soo gaadhaya madaxweynaha, oo ah in madaxweynuhu diyaar u yahay in doorashadii wakhtigeedii lagu qabto, hadii doorashadii hore ee isku sidkanayd tana uu ku daro taariikhda baaldahaba ayuu ka galayaa, wuxu noqonaya madaxwaynihii ugu horeeyay ee aan codsan kordhis bilaa sharci ah, waan u hambalyaynaya" ayuu yidhi Faysal.

Sida uu ku waramay muuqbaahiyaha Saab TV iyo warbaahin kale, madaxweynaha ayaa golaha wakiilada dib ugu celiyay xeerkii furista ururada siyaasada, taasi oo lagu fasiray in macnaheedu tahay in madaxweynuhu uu si toos ah uga howl galayo qabashada doorashada madaxtooyada.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/16/2021 3:25 PM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sheegay qoraal uu baahiyay xafiiska Madaxweynaha mid hareer marsan Dastuurka KMG ah.

9/16/2021 9:02 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku hakinayo awoodaha raysal wasaare Rooble, kadib markii uu ku eedeeyay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka.

9/16/2021 8:39 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Kalfadhigii 79aad ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo uu shirguddoominayay madaxwayne Biixi, ayaa guddi loogu saaray dilalka soo noq noqday ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

9/16/2021 8:23 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay Baydhabo kula qaateen Madaxweynaha Koonfur galbeed, waxay kala hadleen khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

9/16/2021 5:25 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdillaahi Fanax oo hoggaaminayay ciidamadda Haramcad ayaa dhaawac ka soo gaarey kadib dagaal saakay ciidamadda milatariga iyo kuwa Haramcad ku dhexmaray isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

9/16/2021 4:19 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Dhakhtarka lagu magacaabo Marry oo ku yaal magaalada Harar oo ah dhakhtar gaar loo leeyahay ayaa waxaa usoo caafimaad raadsada dad u badan Soomaali, oo ka kala yimaadda inta badan dhulka ay Soomaalidu degto.

9/16/2021 2:08 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Dagaalkan ayaa ah mid xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka socda agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

9/16/2021 1:41 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Sarkaal Booliis ah oo asalkiisu yahay Soomaali Kenyan ayaa kooxo aan heebtooda la garaneyn ka afduubteen mid ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn magaalada Nairobi ee dalka Kenya Thika Super Highway maalinimadii Isniinta aheyd sida ay sheegeen qoyska Sarkaalka la afduubtay oo lagu Cisman Godane.

9/16/2021 1:11 AM EST
Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in deegaan hoos yimaada magaaladaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ganacsatada Soomaliyeed ee ku noola dalkaasi.