4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

Danjire Tinna Intelmann iyo Raysal wasaare Rooble waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahayeen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerto Soomaaliya iyo horumarada laga sameeyay dhanka doorashooyinka dalka ee uu hogaanka u yahay Raysal wasaare Rooble.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann oo ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub  ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dalalka Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]