3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Faahfaahin hordhac oo laga helayo qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aanan ilaa hadda la xaqiijin nooca uu yahay ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Bar koontarool oo taala afaafka hore ee xerada Xalane iyo xerada Jenaraal Gordon.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney qaraxa ku dhinteen laba ruux tiro kalana ay ku dhaawacmeen, islamarkaana aanan lakala garan karin inuu qaraxa ahaa miino dhulka lagu aasay iyo inuu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Lasoco wararkan wixii kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/14/2021 3:25 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaanada aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabeelle, ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo caawa la doortay saddexdii senator ee ugu horreeyay.

9/14/2021 2:36 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war uu caawa soo saaray kaga digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

9/14/2021 1:56 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada kursigii ugu horeeyay ee kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle.

9/14/2021 10:06 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

9/14/2021 9:48 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada si aad ah u dhex wareegaayay qoraalo lagu sheegayo inuu xanuunsan yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa wararkaasi goordhaw beenisay dowlada Jabuuti.

9/14/2021 7:48 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Maryan Cabdi Xuseen oo ah haweenay kasoo jeeda Soomaaliya ayaa taariikh cusub sameysay, kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamaanka dalka Norway.

9/14/2021 7:06 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliyeed ayaa waxay sheegeen in ay aad uga xunyihiin isafgarad la’aanta madaxda dalka ee la xiriirta khilaafka awoodaha sharciga dawladadeed ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

9/14/2021 3:04 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa Isniintii ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xoghayaha Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha (CS) Dr. Fred Matiang'i iyo taliyaha Guud ee Booliiska Hillary Mutyambai haddii aysan si cad u sharraxin afduubka loo geystay Aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

9/14/2021 2:57 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaadaha argigixiso ee ka imaanaya wadamada Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq gaar ahaan ISIS- ay ka khatar badan yihiin kuwa laga yaabo inay ka soo baxaan dalka Afgaanistaan.

9/14/2021 1:53 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay guddi baaritaan oo uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil ee horay khilaafka culus uga dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble.

9/14/2021 1:19 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu wadaa maanta oo talaado in si rasmi ah magaalada Jowhar ay uga bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle.