10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Muwaadin Soomaaliyeed oo shan qof ku dhaawacay weerar uu ka geystay dalka Talyaaniga
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay shan qof ku dhaawacay weerar tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Rimini, oo ka tirsan gobolka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga, sida ay qortay jariirada Corriere di Bologna.

Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa ku safrayay tikidh la’aan isagoo saaran bas ka yimid Riccione kuna socday Rimini.

Wuxuu markii hore mindi ku weeraray laba haween ah oo hubinayey tikidhada ka dibna wuxuu dhaawacay saddex qof oo rakaab ahaa oo uu ku jiray wiil 5 jir ah, ka hor inta uusan ka degin gaariga.

Booliska ayaa xiray eedeysanaha kadib markii uu isku dayay inuu cagihiisa ku baxsado.

Sida laga soo xigtay Corriere di Bologna, eedeysamaha ayaa u muuqda inuusan wax xiriir ah la lahayn ururada argagixisada ama xagjiriinta. Waxayna Baarayaashu hubinayaan inuu isticmaalayay maandooriye.

Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa dhowaan yurub yimid wuxuuna dhowr bilood ka hor dalbaday qaxootinimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/12/2021 2:22 PM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, xilli uu dalku ku jiro marxalad doorasho.

9/12/2021 10:29 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo aay hoggaamineysay ku xigeenka Xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed.

9/12/2021 10:26 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay xaflada qalinjabinta Jaamacadda Camuud, ayaa sheegay in hadii dowlada Soomaaliya ay ogolaan lahayd jiritaanka Somaliland, ay Somaliland caawimo ka gaysan lahayd dhibaatooyinka ka dhaca Soomaaliya.

9/12/2021 8:20 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab ay saacadahii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano ka tirsan goboladaasi kadib howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay ka sameeyeen deegaanadaasi

9/12/2021 8:03 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale ayaa sheegay inuu khamiista soo socota oo ku beegan 16 september uu soo bandhigidoono waxyaabaha ay isku qabteen isaga iyo raysal wasaare Rooble.

9/12/2021 7:40 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

9/12/2021 7:34 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani, Maxammed Faarax Cabdi, ayaa sheegay in xisbigiisu uu wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ka doonayo warbixin dhamaystiran oo ku sababsan sababta ka danbaysta dilalka ka dhacay magaalada Laascaanood.

9/12/2021 7:27 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

9/12/2021 6:42 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Imtaxanaadka shahaadiga ah ee Somaliland guud ahaan isku darka dugsiyada sare iyo hoose dhexe, waxa u fadhiistay, 32,757 arday, waxa gudbay 31,645 arday, halka ay dhaceen 1,112 arday.

9/12/2021 2:21 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Proff Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo warbaahinta kula hadashay Nairobi, ayaa ku eedeysay raysal wasaare Rooble inuu ka dambeeyo xarriga seygeeda oo magaalada Nairobi lagu xiray.

9/12/2021 1:20 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Shirkii lagu dhexdhexaadinaayay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa saacado badan kadib Xalay waqti dambe kusoo idlaaday natiijo la'aan.