4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Awdal oo ka hadlay isuduwayaal Borama lagu xidhay
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Awdal Cabdirashiid Ibraahin Isaaq, ayaa cambaareyay xadhiga qaar kamid ah isuduwayaasha gobolka, oo uu sheegay in badhasaabka gobolku  uu xabsiga dhigay kadib markii ay ka habsameen shir lagu qaban qaabinayay soo dhawaynta madaxweyne Biixi oo gobolka ku wajahan.

"Dhacdo cusub ayuu badhasaabka gobolku ku dhaqaaqay iyada oo 8 isu duwe in ka badan oo gobolka ahi xidhanyihiin, oo aanu soo xaqiijinay runtii saldhiga dhexena ay ku xidhanyihiin, kuwaasi oo u xidhan soo dhawaynta madaxwaynaha oo jaamacada Camuud Imanaya, laf jab wayn ayay qaranka ku tahay in badhasaab xidho isu duwaal gobolka ah" ayuu yidhi Isaaq.

Guddoomiye Isaaq ayaa badhasaabka gobola Awdal ku eedeeyay in uu caadaystay in uu iska xidh xidho shacabka isagoo isticmaalaya awood uu ka haysto madaxwaynaha Somaliland.

"Arrinta aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa horena waanu idiinku sheegnay in badhasaabkan gobolku uu ku caan baxay in uu dadka iska xidh xidho, taasi oo uu awood kasito madaxwayaha qaranka" ayuu yidhi Isaaq.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Caalin Tiimbaro ayaan wax faah faahin ah ka bixin sababta keentay xadhiga isu duwayaashan mar saxafiyiinta gobolku wax ka waydiiyeen, isagoo ku gaabsaday in la xidhayo qofkasta oo danbi gala.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]