4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Madaxwaynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilka qaadis, isku badal iyo magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah badhasaabada gobolada Somaliland iyo hay'adaha qaar kood.

Madaxwayneha ayaa xilkii ka qaaday badhasaabadii hore ee gobolada Sanaag iyo Hawd, sidoo kale madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday agaasimihii hore ee Baanka Dhexe, guddoomiyihii hore ee guddida maamulka hay'ada dekedaha iyo waaxda cashuuraha ka caagan iyo xubin kamid ah guddida maamulka DPWorld Berbera.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale xilalka bannaanadayna buuxiyay isla markaana sameeyay magacaabisyo cusub.

Hoos ka dheeho wareegtada madaxwaynaha:-



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]