3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Kulanka albaabada u xiran yahay oo Muqdisho uga socda madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare rooble
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Axmed Qoor-qoor iyo Cabdicasiis lafta-gareen ayaa ku guulaystay in ay wadahadal iskugu keenaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisulwasaare Rooble oo uu ka dhex taagan yahay khilaaf ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in muddo labo saacaddood uu kulan albaabada u xiran u socdo madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo ay wehliyaan labada madaxweyne ee Galmudug iyo K/Galbeed.

Wada hadalada ayaa diiradda lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay go’aanada kasoo kala baxay labada masuul ee dalka ugu sarreeya, go'aanadaas oo sababi kara  in dalku galo qalaalase.

Rajo wanaagsan ayaa laga qabaa in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu ka heshiiyaan khilaafkooda sida ay tilmaamayaan warar horudhac ah oo laga helayo kulankooda, balse lama saadaali karo waxa ay ku heshiiyaan.

Illaa iyo hadda waxaa lagu guulaystay in labada masuul is xakameeyaan oo ay joojiyaan warqadaha xafiisyadooda kasoo kala baxaya ee khilaafka taagan sii hurinaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/11/2021 3:45 PM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Awdal Cabdirashiid Ibraahin Isaaq, ayaa cambaareyay xadhiga qaar kamid ah isuduwayaasha gobolka, oo uu sheegay in badhasaabka gobolku uu xabsiga dhigay kadib markii ay ka habsameen shir lagu qaban qaabinayay soo dhawaynta madaxweyne Biixi oo gobolka ku wajahan.

9/11/2021 3:13 PM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha dhalay Ikraan Tahliil Faarax, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dilka gabadhiisa loo saariyo kooxda Alshabaab, wuxuuna sheegay in gabadhiisa ay ku maqan tahay gacanta NISA.

9/11/2021 2:05 PM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Dabley aan haybtooda la aqoonsan ayaa rasaas ku diley Cabdirisaaq Axmed Cilmi "Cabdirisaaq Cardoofe" oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood ee dhowaanta la doortay.

9/11/2021 9:16 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilka qaadis, isku badal iyo magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah badhasaabada gobolada Somaliland iyo hay'adaha qaar kood.

9/11/2021 9:07 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in xisbiga Waddani wasiir Koore ku tilmaamo shakhsi Somaliland ku jooga guno, wasiirka ayaa sidoo kale ka jawabay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha wakiilada Somaliland mudo kahor.

9/11/2021 7:31 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wafdi katirsan booliiska dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa kormeer ku tagay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo kamid ah magaalooyinka lagu qabanayo doorashooyinka aqalka hoose.

9/11/2021 6:38 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu gaf ka galay dadka daga bariga Somaliland kadib markii xogeeyaha guud ee xisbigaasi sheegay in wasiir Koore uu Somaliland kula joogo gunno ama laaluush.

9/11/2021 1:55 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya iney socdaan kulamo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

9/11/2021 1:37 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ka ah Kenya, kana faallooda arrimaha siyaasadda ee Bariga/Geeska Afrika ayaa laga afduubay bartamaha Nairobi, Kenya 8 -dii Sep 2021.

9/11/2021 1:29 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Goola Goole oo dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud 75-KM ayaa sheegaya in halkaasi sadax ruux ay ku geeriyoodeen kadib markuu kusoo dumay Ceel biyood ay qodayeen.