4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Wasiir Koore "Xisbiga Waddani waxay yidhaahdee Saleebaan Cali Koore gunno ayuu Somaliland ku jooga"
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa  xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu gaf ka galay dadka daga bariga Somaliland kadib markii xogeeyaha guud ee xisbigaasi sheegay in wasiir Koore uu Somaliland kula joogo gunno ama laaluush.

"Xisbiga Waddani waxay yidhaahdee Saleebaan Cali Koore gunno ayuu Somaliland ku jooga, waxay gaf ka galeen dadka daga gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheer, oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ku yihiin qof xil haya ama gunno qaata" ayuu yidhi wasiir Koore.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Somaliland u shaqaynayay tan iyo markii ururkii SNM la wareegeen talada sanadkii 1991, isla markaana uu ka qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii Somaliland.

"Hadaan taariikhda dib ugu laabto Somaliland shaqadeeda waxan bilaabay 1991, cidii ugu horaysay ee aanu shaqo wada bilownay markii SNM dalka soo gashay 4 cisho ka bacdi Maxamed Kaahin ka halka soo fadhiya ayaa kow ka ah, bari oo dhan ayaan nabad galyadeeda kasoo shaqeeyay" ayuu yidhi wasiir Koore.

"Maalintii booliiska la as aasayay askarigii ugu horeeyay bari aniga ayaa ka keenay, ciidanka qaranka markii la as aasayay guutadii ugu horeysay aniga ayaa bari ka keenay, gobolada bari oo dhan anaa hogaaminayay dastuurka markii loo codaynayay, geed gaaban iyo geed dheer Somaliland tay joogtaba waan soo taagna" ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Koore.

Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo 9 kii bishan warbaahinta la hadlay ayaa wasiir Koore ku eedeeyay in uu Somaliland laaluush ama gunno kula joogo.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]