4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Madaxweyne Deni: Ma filaynin 120 askari oo aan Garowe kasoo dirnay ayaa ammaanka Gaalkacyo wax weyn ka bedelaya
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Gaalacyo ku sugan, ayaa ku guddoonsiiyay abaalmarino Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuuna dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in uusan marnaba filayn in ammaanka ay Gaalkacyo ay wax ka bedelaan 120 askari oo Garowe lagasoo diray labo sano ka hor, halka ay Mudug joogeen 2000 askari.

“Ciiddamadan waxay naga ahayd tijaabo, laakiin in ay sidaasi wax isku bedelaan ma ahayn wax aan sidaas filaynay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay sida ay Puntland usoo afmeertay shabakado Alshabaab ah oo muddo dheer ka jiray magaalada Gaalkacyo in aanay jirin meel Soomaaliya kamid ah oo sidaas oo kale usoo afjartay.

Bishii June ee sannadkan, maamulka Puntland ayaa toogasho ku fuliyay 18 xubnood oo Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 masuul ka ahaa qaraxyadii iyo dilalkii Gaalkacyo ka dhici jiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online