4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Raysal wasaare Rooble: Doorashada waxaan u qorshaynay $26 malyan, laakiin cabsi ayaan ka qabnaa
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay doorashada u qorsheeyeen in ay ku bixi doonto 26 malyan oo dollar, isagoo sheegay in dhaqaalahaas ay ka cabsi qabaan inuu ku yaraado.

Raysal wasaaraha oo kulan la qaatay guddiyada doorashada wuxuu dhinaca kale uga digay in dhaqaale aan xafiiskiisu ogayn oo aan isla qorshayn ay guddiyada doorashadu u raadsadaan hay’addaha deeq bixiyaasha.

Raysal wasaare Rooble wuxuu sheegay inuu tallaabo ka qaadayo ciddii lagu helo in ay hareer marayso nidaamka doorashada loo dajiyay, wuxuuna u sheegay guddiyada doorashada in wixii dhaqaalaha la xiriira looga dambaynayo guddiga doorashada ee heer federal iyo xafiiskiisa.

Dhinaca kale, raysal wasaare Rooble ayaa guddiyada uga digay wada shaqayn xumo, isagoo ku booriyay in la iska hilmaamo wixii khilaaf ah oo horay uga dhex dhacay qaar kamid ah guddiyada doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhaqaalaha doorashada ka hesho dalalka deeq bixiyaasha ah, waxaana sidoo kale dhaqaalaha doorashadu ka imaan doonaa qidmadaha laga qaado musharraxiinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online