4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Banaanbaxyo nabadeed oo maanta ka dhacay Gobolka Sitti ee deegaanka Soomaalida Itoobiya
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Waxaa maanta ka dhacay qaybo kamid ah Gobolka Sitti ee deegaanka Soomaalida Itoobiya banaanbaxyo nabadeed oo ay shacabku ku cabirayeen dareenkooda ku aadan arrinta galbeedka Sitti.

Haddaba meelaha uu banaanbaxani ka dhacay waxaa kamid ah magaalada Shinniile oo shacab aad u tiro badan ay isugu soo baxeen, kuwaas oo watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo ay ku taageerayeen hawlgallada ay ciidanka gaarka ee degaanku ka wadaan galbeedka gobolka Sitti, iyo waliba in cadaalad ay helaan dadkii dhawaan lagu laayay galbeedka Sitti.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay dagaalo adag ka soconayeen magaalada Garbaciise, dagaaladaas oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo dagaaladaasina ay ku barakaceen dad aad u badan oo Soomaali ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]