4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Maamulka Koonfur galbeed oo maanta Gaalkacyo ka daabulay qaar kamid ah qoysaskii lagasoo barakiciyay Laascaanood


Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Maamulka koonfur galbeed ayaa maanta Gaalkacyo ka qaaday 78 qof oo ka kooban 21 qoys, kuwaas oo kamid ahaa dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood.

Guddi heer wasiir ah oo uu madaxweynaha Koonfur galbeed u maacaabay xaaladda dadkan, ayaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ka daabulay qoysaskan, kuwaas oo kusii jeeday Baydhabo

Qoysaska maanta laga qaaday magaalada Gaalkacyo waxay ahaayeen qoysaskii ugu jilicsanaa ee ay Puntland si kumeel gaar ah dib u dajin ugu sameysay kadib markii si khasab ah uu maa Somaliland ugasoo barakicisay magaaladii ay ku noolaayeen ee Laacaanood.

Guddiga Koonfur galbeed iyo masuuliyiin katirsan Puntland ayaa guud ahan dadka lasoo barakaciyay  saakay la qaatay kulan, waxayna u sheegeen in labada maamul iska kaaashanayaan sidii loo taageeri lahaa loolana qeybsan lahaa dhibaatada soo gaartay.

Muddo todobaad ah ayaa kasoo wareegtay markii qoysaskan si xoog ah loogasoo saaray magaalada Laascaanood, iyagoo aan lasiin wax digniin ah.

Somaliland ayaa mar kale ku habjabtay in aay deegaannadeeda ka saarayso dadka aan u dhalan ee kasoo jeeda gobolada koonfurta Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online