4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin adag u diray Ganacsatada yar yar ee magaalada Muqdisho
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xariga ka jaray wado laami ah oo isku xirta Isgoyska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa Digniin adag u diray dadka ku ganacsada hareeraha wadda laamiga ah ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cid kasta oo gaari gacan soo dhigata hareeraha wadada loo yaqaano Cirtoogte.

"Cid kasta oo gaari gacan soo dhigata ama ganacsi ka furta hareeraha wadad Cirtoogte waxaa goob fagaare ah looga gubaya ganacsigeeda, waxaan la tiigsan doona Maxkamada qof walba oo wadadaasi ganacsi ka furta" ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Waxuu intaasi ku daray hadalkiisa in guddoomiyeyaasha degmooyinka Howlwadaag, Yaaqshiid iyo Ciidanka Booliska ay u xil saran yihiin ilaalinta wadada.

Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili maanta xariga laga jaray mid ka mid ah wadooyinka muhiimka u ah isku socodka gadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha, waxaana dhismaha wadadaan iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka degmada Howlwadaag.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]