4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Koonfur Galbeed oo shaacisay iney diyaarado kusoo qaadayaan dadkii Somaliland soo masaafurisay
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qorshe ay diyaarado ugu soo qaadayaan dadkii dhawaan Somaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddiga uu dhawaan magacaabay madaxweyne Laftagareen oo shalay Gaalkacyo gaaray ayaa sheegay iney qorsheeyeen goobo gaar ah in la isugu geeyo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee laga soo dhex saaray hantidoodii, islamarkaana diyaarado ay ku geyn doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garab weydiisatay Wakiilo ka socda hay'addo hoostaga Qaramada Midoobay, si ay uga gacan geystaan howlaha gurmadka dadkan lasoo masaafuriyay iyo waliba ka warqabka xaaladooda nololeed.

Sadaxdii bishan Oktoobar ayay aheyd markii Somaliland ay si qasab ah kaga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood dad shacab ahaa oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo aan wax fursad ah loo siinin iney la baxaan hantidii ay halkaasi ku haysteen.

Maamulka Koofur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi ayaa si cad u sheegay iney ka go'an tahay garab istaaga iyo wax u qabashada dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ee sida qasabka ah looga soo masaafuriyay Somaliland ee haatan ku sugan deegaano ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]