4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya oo cambaareeyay dadka Soomaaliyeed ee lagasoo baraciyay Laascaanood
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya ayaa maanta muujiyay inay aad uga xun yahay baracinta lagu sameeyay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed ay soo saareen golaha musharraxiintu waxay ugu baaqeen culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falkaas dhaawacaya walaalnimada dadka Soomaaliyeed.

Musharraxiinta waxay madaxda Somaliland ugu baaqeen in ay ka fiirsadaan baracakinta dad Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isla markaana ay ka xun yihiin in dhibaato ay geysteen dad kooban, loo dhibaateeyo bulsho dhan.

Golaha musharraxiinta waxay soo dhoweeyeen cid kasta oo gurmad iyo soo dhowayn u fidisay shacabka lagasoo raafay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online