3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Odayaasha Xawaadle oo ka digay qorshe lala damacsan yahay Saraakiishii Ciidamada Badbaado Hiiraan
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha Beesha Xawaadle ayay kaga digeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in xilka qaadis iyo beegsi gaar ah ay ku sameeyaan sarakiishii Badbaado Hiiraan.

Odayaasha ayaa ku goodiyay hadii ay dhacdo in beegsi lagu sameeyo saraakiishii ciidamada Badbaado Hiiraan, waxii cawaaqib xuma ah ee ka dhasa masuuliyadeeda ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

"Hiiraan awalba Hirshabeelle waxba uguma darsaneen Fedaraalkana waxaan u sheegeyna ineysan ku fududaan waxa Hirshabeelle ay dooneyso sababto ah Hirshabeelle horay ayay u boobay xaqii reer Hiiraan" ayuu yiri Nabadoon Xarago.

Odayaasha ayaa sheegay iney ka war heleen qorshayaal lagu doonayo in xilalka looga qaado qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay kacdoonkii ciidamada Badbaado Hiiraan ee dhawaan hor istaagay safar si qasab ah uu Baledweyne ku imaan rabay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

"Madaxda Hirshabeelle waxaan horay uga balanay inaan ciidamada iyo saraakiishii Badbaado Hiiraan aanan la bartilmaameedsan lakiin hadda waxaa muuqata in balankii laga baxay hadey arintaasi dhacdana, dowlad hadii ay dumeyso Hiiraan ayay ka dunta hadii ay dhismeysana Hiiraan ayay ka dhismataa, marka waxaa cadeyneyna hadii nimankaas la taabto in Hiiraan go'eyso" ayuu yiri Nabadoon Daahir Magan.

Hadalkaan kasoo yeeray waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa imaanaya xili warar hoose oo suuqa soo galay ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya xilka qaadis la damacsan tahay qaar ka mid ah saraakiishii ciidamadii la baxay Badbaado Hiiraan ee Baledweyne u diiday inuu si xoog ah ku yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/5/2021 8:06 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani.

10/5/2021 6:18 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeysay in uu ka been sheegay qadiyada dadka reer koonfurka ah lagaga tarxiilayo Laascaanood.

10/5/2021 5:47 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciiddamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday siddeed nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo horay maxkamadda darajada koowaad ay saddex bil ka hor xukun dil ah ugu riday.

10/5/2021 5:01 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajoo oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qeybgalay caleema saarka Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo dib loo doortay dhawaan ayaa kulan gaar ah la qaatay raysal wasaare Abiy Axmed.

10/5/2021 4:14 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah haween waynaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqnaa gobolka, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood.

10/5/2021 1:57 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Facebook, Instagram iyo adeegga farriimaha WhatsApp-ka ee sida weyn loo adeegsado ayaa dib hawada ugusoo laabtay xalay saqdii dhexe, ka dib muddo illaa lix saacadood ah oo ay dunida ka maqnaayeen.

10/5/2021 1:26 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa aad u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.