3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa wadanka Qatar
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Qatar ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo waliba kordhinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani kaa oo diirada ay  ku saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya"ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la filayaa inuu saacadaha soo socda kulan la qaato Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani.

Raysal wasaare Rooble ayaa shalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaasi Qatar, waxaana safarkiisa uu imaanaya xili khilaaf aad u daran uu ka dhex jiro madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/5/2021 10:12 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha Beesha Xawaadle ayay kaga digeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in xilka qaadis iyo beegsi gaar ah ay ku sameeyaan sarakiishii Badbaado Hiiraan.

10/5/2021 6:18 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeysay in uu ka been sheegay qadiyada dadka reer koonfurka ah lagaga tarxiilayo Laascaanood.

10/5/2021 5:47 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciiddamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday siddeed nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo horay maxkamadda darajada koowaad ay saddex bil ka hor xukun dil ah ugu riday.

10/5/2021 5:01 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajoo oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qeybgalay caleema saarka Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo dib loo doortay dhawaan ayaa kulan gaar ah la qaatay raysal wasaare Abiy Axmed.

10/5/2021 4:14 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah haween waynaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqnaa gobolka, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood.

10/5/2021 1:57 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Facebook, Instagram iyo adeegga farriimaha WhatsApp-ka ee sida weyn loo adeegsado ayaa dib hawada ugusoo laabtay xalay saqdii dhexe, ka dib muddo illaa lix saacadood ah oo ay dunida ka maqnaayeen.

10/5/2021 1:26 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa aad u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.