4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Qaramada Midoobay oo Bayaan kasoo saartay dadkii sida khasabka ah looga barakiciyay magaalada Laascanood
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa aad u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.

Wada hawlgalayaasha bani'aadamnimada ayaa sheegay in ay isku –dubbaridayaan qiimeyn bani'aadamnimo oo deg -deg ah, si loo dejiyo tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulka Puntland, si loogu helo hoy ku-meelgaar ah.

“Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay'adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-daridka gargaarka QM ee UNOCHA,

UNOCHA ayaa ku boorisay Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Dadka sida khasabka ah looga barakicinayo Laascanood, ayaa halkaas ku noolaa muddo ku dhow 20 sano. Waxayna hadda u nugul yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdahooda bani'aadamnimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online