4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Hirshabeelle oo maanta Jowhar kusoo gabagabeeysay doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe lagu soo gabagabeeyay doorashada laba kursi oo ka harsaneyd sideeda kursi ee kuraasta Aqalka sare Senatarada ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Kursiga koowaad ee doorashada maanta ka dhacday Jowhar waxaa ku wada tartamay musharaxiinta kala ahaa Cali Shacbaan Ibraahin, Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen waxaana wareega labaad usoo gudbay musharaxiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahin iyo Cabdiqaadir Xanafi, waxaana wareegii labaad ee doorashada ku guuleystay Cali Shacbaan oo helay 62 cod, halka Xanafi uu ka helay 24 cod.

Kursiga labaad ee doorashada maanta dhacday oo ahaa kursiga ugu dambeeyay kuraasta Aqalka sare ee Hirshabeelle ee ka kooban sideeda waxaa ku wada tartamay laba haween ah oo kala ahaa Naciimo Ibraahin iyo Samsam Cabdullaahi, waxaa ku guuleystay doorashada Samsam Cabdullaahi oo heshay 77 cod, halka Naciimo Ibraahin ay ka heshay 8 cod kaliya waxaana xusid mudan in Naciimo Ibraahin ay aheyd Setanaradii ku fadhisay kursiga maanta looga guuleystay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga ay ku guuleysatey maanta samsam Cabdullaahi ayaa waxaa horay isugu soo sharaxay inay wax ka tartamayaan labo musharax oo rag ah kuwaasoo cadaadis xoogan oo madaxda Hirshabeelle uga yimid kadib isaga tanaasuleen tartanka kursigan.

Doorashada labadaan kursi ayaa ka dhigtay in Hirshabeelle ay dhameystirtay dhamaan sideedii kursi ee Senatarada maamulka Hirshabeelle ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]