4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Madaxweyne Farmajao iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaaada Addis Ababa


Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan munaasabadda caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya" ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay, in madaxweynaha iyo diblumaasiyiin ku wehelisa safarka ay kulan doceedyo la qaadan doona wufuudda ka qeyb galaya munaasabaddan, si loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya caalamka.

Wasiirrada Qorshaynta, Gaashaandhigga iyo Agaasime Ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa safarka ku wehliya Madaxweyne Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online