4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Puntland oo dib u dajin kumeel gaar ah u sameysay boqolaal qoys oo Somaliland kasoo tarxiishay Laascaanood


Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Puntland ayaa dib u dajin kumeel gaar ah u sameysay boqolaal qoys oo ay Soomaliland kasoo tarxiishay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoysaskan oo u badan carruur iyo haween, ayaa intooda badan lagusoo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo loogu sameeyay daryeel caafimaad iyo quudin.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in ay 758 qof oo horudhac ah ay kusoo dhoweeyeen magaalada Gaalkacyo.

Dadkaan ayaa qaarkood sheegay in ay qoysaskooda iyo hantidoodii kagasoo tageen magaalada Laascaanod, kadib markii si kedis ah looga soo tarxiilay magaalada Laascanood.

Puntland waxay si degdeg ah hay’addaha samafalka ee ka shaqeeya deegaannadeeda ka dalbatay in ay ka qeyb qaataan sidii qoysaskan dib u dajin rasmi ah loogu sameyn lahaa.

Dadka lagasoo barakaciyay Laascaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in loo oggolaado in hantidooda iyo qoysaskooda uga xayiran Laascaanood ay kalasoo baxaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online